Zakariya Bulxan oo 19 jir ayaa shalay ka soo hor muuqday Maxkamadda Old Bailey ee magaalladda London , isagoo lagu soo oogay inuu bilowgii bishii August ee sannadkan Tooreey ku dilay Dalxiise u dhalatay Maraykanka oo la oran jirey Darlene Horton oo 64-jir ah   iyo inuu Tooreey ku dhaawacay  2 qof oo u dhalatay dalka Australia iyo 2 u kala dhalatay Maraykanka iyo Israel.
Shilkaasi ayaa waxa uu ka dhacay Fagaaraha Russell Square ee magaalladda London.
Eedeysanaha oo haysta Dhalashadda dalka Norway waxa uu sannadkii 2002-dii u soo guuray dalka Britain ayaa waxaa la sheegay inuu Dhimirka ka xanuunsan yahay.
Xeer-beegtida Maxkamadda waxay Eedeysanaha amreen in loo gudbo Qeybta Dadka Walaan ee Isbitaalka Broadmoor.
Sidoo kale, Maxkmadda waxay sheegtay in Dacwadda Eedeysanaha dib loo dhegeysan doono bisha soo socota ee December 9-da, ka hor intaysan Maxkamaddu xukunka Eedeysanahaasi ku dhawaaqin bisha Feberaayo 6-da ee sannadka soo socda ee 2017-ka.
Dhinaca kale, Garsoore Robin Spencer ayaa u sheegay Maxkamadda inuusan Eedeysanaha haatan qiran Karin Dembigiisa, maadaama uu horey ugu jiray Isbitaalka Dhimirka.
©Radio Dalsan
Â
Â