Ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay C/risaaq Cali Cartan ayaa ka mid ahaa Ardayda dhigata Jamaacadda Ohio State University oo ku taalla magaalladda Columbus ee Gobalka Ohio.
Sarkaal ka tirsan Dowladda Maraykanka ayaa u sheegay Warbaahinta inuu Ninkasi gaari jiirsiiyey 11 qof, kadibna uu ku dooxay Mindida nooca Kawaanleyda, iyadoo uu Sarkaal ka tirsan Boliska toogtay Ninkaasi.
Saraakiisha Waaxda Dabka ee magaalladda Columbus waxay sheegeen in 11 qof lagu daaweeyey Isbitaalladda ku yaalla Deegaanka, iyadoo mid ka mid ah xaalladiisa aad u liidato.
C/risaaq Cali Cartan oo 18-jir waxay isaga iyo qoyskiisa ku noolaayeen dalka Pakistan, ka hor intaysan Maraykanka soo gelin sannadkii 2007-dii.
Ninka weerarka geystay waxa uu Sharciga Muwaadinimada Maraykanka qaatay sannadkii 2014-kii, wuxuuna Arday snnadka 3-aad ka ahaa Jamaacadda Ohio State University ee uu weerarka ka geystay, iyadoo ay Arday badan oo Soomaali ah dhigtaan Jaamacadaasi.
Dhinaca kale, Saraakiisha Waaxda Dembi-baarista Boliska Marayke FBI-da waxay u sheegeen Telefishinka  Fox News inay wadaan Baaritan ay ku ogaanayaan haddii uu falkaasi xiriir la leeyahay Argagixiso.
©Radio Dalsan
Â