Xarakadda Alshabaab ayaa baahisay Muuqaal Video oo laga diyaariyey Weerarkii ay Alshabaab bartamihii bishii Janaayo ee sannadkan ku qaadeen Xeradda Ciiddanka Kenya ku lahaayeen Xeradda Ceel-cadde ee Gobalka Gedo, halkaasi oo ay Askar Kenyan ku dileen, kuwana ay nolol ku qabsadeen.
Muuqaalka Video-gaas oo sconayo muddo 50-daqiiqo ayaa waxay Alshabaab ku sheegteen inay weerarkii Ceel-cadde ku dileen in ka badan 150-Askar Kenyan ah.
Qaar ka mid ah Milliteriga Kenya ee ay Alshabaab u hayaan Maxaabiis ahaanta ayaa ka soo muuqday Muuqaalka, kuwaasi oo Wareysiyo lala yeeshay.
Mid ka mid ah Maxaabiista ayaa ka codsaday Madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu Ciiddanka Kenya kala baxo Somalia, si ay uga badbaadaan Alshabaab.
Maxbuus kale ayaa isagana sheegay inay 200 Askar Kenyan ku sugnaayeen Xeradda, markii ay Alshabaab soo weerareen.
Dhinaca kale, Afhayeenka Dowladda Kenya, Eric Kiraithe oo laga wareystay Muuqaalka Video-ga ee ay Alshabaab soo bandhigeen, waxa uu sheegay inuusan ka hadli karin, maadaama uusan weli daawanin Muuqaalkaasi.
©Radio Dalsan