Dhowr saacadood kadib, markii uu Donald Trump soo saaray Amar ka dhan Muslimiinta ayaa waxaa dab la suray Masjid ku yaalla K/bari ee Gobalka Texas ee dalkaasi.
Oogtii hore ee Sabtidii la so odhaafay ayaa laga war helay dab xooggan oo wada baabi’iyey Masjidka Xarunta Islaamka ee Victoria (The Islamic Centre of Victoria) oo ku-dhawaad 115 miles dhanka K/galbeed kaga toosan magaallaffa Houston.
Madaxa Markazkaasi, Shahiid Hashimi ayaa sheegay in wax laga calool xumaado tahay in aad halkaasi istaagto iyo in la daawado Masjidka oo hoobanaya iyo dabka oo aad u sii holcayo.
Waxa uu intaasi ku daray inay Maamulayaasha u sheegeen isaga inay xilli hore tahay in la ogaado waxa sababay dabka baab’iyey Masjidka iyo Markazka Islaamiga.
Iimaamka Masjidka oo goor hore ee subaxnimo so otoosay ayaa sahmiyey Muuqaalladda ay duubeen Kaamerooyinka Qarsoon ee ku rakiban Masjidka, kamana arkin wax khatar ah, inkastoo ay Albaabadda Masjidka wada furnaayeen.
Masjidka ayaa la dhisay sannadkii 2000, hal sanno kadib, weerarkii September 11, 2001-dii.
Tabarucaas ayaa loo ururinaya si dib loogu dhiso Masjidka, waxaana muddo 24-saac gudahooda la ururiyey 850,000 oo Dollar.
©Radio Dalsan