Xildhibaan Saciid Xsaan Geeddi oo ka tirsanaa BFS ayaa barqanimadii maanta lagu aasay Qabuuraha ku dhex yaalla Isbitaalka Madiina ee magaalladda Muqdisho.
Marxuumka oo maalmahan xannuunsanaa waxa uu xalay ku geeriyooday Isbitaalka Guud ee Erdogan ama Ex-Digfeer, waxayna saaxiibadiisa sheegeen inuu hayey xanuunka Dhiig-karka.
Marxuumka waxa uu ka mid ahaa Saraakiisha Milliteriga Somalia, isagoo ka gaaray Darajadda Jeneraal.
Aaska Marxuumka waxaa ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil Ciiddan iyo mas’uuliyiin kale.
Geerida Xildhibaanka waxaa ka tacsideeyey Madaxda Qaranka, gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo iyo Prof. Jawaari.
©Radio Dalsan
Â