Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiiro, Xilddhibaano, Diplomaasiyiin iyo Marti Sharaf kale ayaa shalay galab ka qeyb galay Munaasbad ka dhacday Safaaradda Turkiga ku leedahay magaalladda Muqdsho.
Munaasabadaasi ayaa loogu dabaal degayey Sannad-guuradii 93-aad ee ka soo wareegtay markii la asaasay Jamhuuriyadda Turkiga.
Safiirka Turkiga u jooga Somalia,  Ambassador Olgen Bekar oo soo qabanqaabiyey Munaasabadaasi ayaa ka hadlay Taariikhda loo soo maray Asaaskii Jamhuuriyadda Turkiga iyo xiriirka u Dowladaha  Soomaaliya iyo Turkiga.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Munaasabadaasi waxa uu  Dowladda iyo Shacabka Turkiga ugu hambalyeeyay maalinta Qaranka Turkiga, wuxuuna ku dheeraaday Xiriirka Wax-wada-qabsi ee Labada Dal iyo Mashaariicda Horumarinta ee ay Dowladda Turkiga ka hirgeliyaan Somalia.
©Radio Dalsan