Muwaadinka Soomaalida ee  Duqa magaalladda ka ah magaalladda Sheffield ee dalka Britain, Maajid Maajid ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ka mamnuucayo inuu booqasho ku yimaado magaalladdaasi, marka uu Donald Trump bishan 13-da booqashadda ku tago dalka Britain.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu Maayar Maajid ku xusay inuu Madaxweyne Trump nin wasaq ah (Wasteman), waa sida uu hadalka u dhigay oo aan mudnayn inuu soo booqdo magaalladda uu Mayaarka ka yahay.
Maayar Maajid oo 27 jir waxa uu bartiisa Twitterka soo dhigay Sawirkiisa, isagoo wata Fannaand ay ku qoran tahay “Trump is wastemanâ€.
Maayarka oo watay Koofiyadda ay dadka Meksikaanka caanka ku yihiin waxa uu sheegay in maalinta uu Madaxweyne Trump imaan doono dalka UK bishan 13-da uu u aqoonsaday Maalin taageero loogu muujinayo dalka Mexico.
Wareysi uu siiyey Wargeyska METRO, waxa uu sheegay inuu Donald Trump wasaq ku yahay falkii uu ku xabisay Carruurta ee Xuduudka dalka Mexico, wuxuuna intaasi ku daray inuusan aqoonin wax uu ku tilmaamo Donald Trump
Duqa magaalladda Sheffield ee dalka Britain, Maajid Maajid oo 28-jir waxa u soo jiiray Dareenka Warbaahinta, isagoo ah Maayarkii ugu da’da yar ee xil ka qabta  magaalladda Sheffield ee Koonfurta YORKSHIRE.
Maajid Maajid waxa uu dalka Britain tegay isagoo 5 jir sannadkii 1994-kii, wuxuuna noqday Maayarkii ugu horreeyey ee ka tirsan Xisbiga Cagaaran “Green Party†iyo Muwaadinkii ugu horreeyey ee Somali ah oo xilkaasi qabta.
HALKAN KA AKHRISOÂ QORAALKA TWITTER-KIISA:
I Magid Magid, Lord Mayor & first citizen of this city hereby declare that not only is Donald J Trump (@realDonaldTrump) a WASTEMAN, but he is also henceforth banned from the great city of Sheffield!
I further declare July 13th to be Mexico Solidarity Day! 🇲🇽 pic.twitter.com/qYehdHYDEt
— 🚀MΛG!D (@MagicMagid) July 4, 2018
WARBIIXNTA Links:Â
www.newshub.co.nz/home/world/2018/07/sheffield-s-lord-mayor-magid-magid-bans-donald-trump-from-visiting-the-city.html
Â