Taliyaha Guud ee Ciiddanka Difaaca Uganda, Jeneral David Muhozi ayaa ugu baaqay Ciiddamadda cusub inay noqdaan Askar Akhlaaq leh, kuna xad-gudbin Xuquuqda Dadka Soomaalidaa.
Ciiddanka cusub ee la soo dirayo Somalia ayaa la sheegay inay tiradoodu dhan tahay 1,845 Askari, kuwaasi oo lagu xoojin doono Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.
Dhinaca kale, Barta Twitterka ee Afhayeenka Ciiddanka Uganda ayaa lagu qoray inuu Taliyaha Ciiddanka UPDF, Jeneral David Muhoozi calanka Baaqa Bixitaanka u laalaadiyey Ciiddanka ka mid noqonayo Hawlgalka AMISOM.
THE CHIEF OF DEFENCE FORCES GEN DAVID MUHOOZI FLAGs OFF BATTLE GROUP (21) FOR AFRICAN UNION MISSION IN SOMALIA
Â
©Radio Dalsan