Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kulan ku yeeshay Xubnaha Gudiga joogtada ee Golaha Shacabka,waxana kulankaas shir gudoomiyey gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Kulanka ayaa waxaa lagu go’aamiyey in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu Maalinta Sabtida ah ee soo socoto uu bilaabo howlihiisa caadiga ah,isla markaana uu furo kulanka golaha Shacabka,iyada oo ajendaha Maalintaas lagu balamay in uu noqdo Xiisada Magaalada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo.
Shirka Maanta iyo Go’aanka ka soo baxay ayaa waxa uu imaanayaa xili gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Mudeey uu sheegay in 31 Bishaan kuna beegan Sabtida uu furmi doono kulanka Golaha Shacabka,isla markaana Golaha la horgeyn doono si ay uga doodaan mooshinka laga gudbiyey gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan.
Iyada oo khilaafka golaha sii xoogeysanayo ayaa weli waxaa sidoo kale muran uu ka taagan yahay halka lagu qabanayo kulanka Golaha Shacabka,iyo waxa uu noqonayo ajendaha ugu horeeyo ee markii uu furmo kulanka Baarlamaanka Soomaaliya.
Hoos Ka Daawo Kulanka Juddiga joogtada ee Galabta.