Xarunta Gaadiidka Boliska ee magaalladda Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay Doorashadda Murashixiinta Beelaha Waqooyi ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka cusub.
Muraxishiinta ugu cadcadaa ayaa kala ah Ra’isul-wasaare-ku-xigeenkii hore, ahaana Wasiirka Awqaafta ee Dowladda Federalka, Ridwaan Xirsi Maxamed iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha dibedda, Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan.
Kursiga Koowaad waxay ku guuleysatay Kursigii 1-aad ee Doorashadda, waxayna 45-cod kaga guuleysatay Saddexdii Murashax ee la tartamaysay, kuwaasi oo kala ah: Â Ismaaciil Xasan Jaamac, Qaasim Ismaaciil Axmed iyo Caasha Aadan Yuusuf.
Kursiga 2-aad waxaa ku tartamay Muraxishiinta kala ah: Â Ridwaan Xersi Maxamed, C/fataax Ismaaciil Daahir, Shukri Faarax Cilmi iyo Baarliin Xasan Qalinle.
Waxaana Kursigaasi ku guuleystay Murashax C/.fataax Ismaaciil Daahir oo helay 46-cod.
Ugu dambeyntii, Kursiga 3-aad  waxaa ku tartamay Murashixiinta Muuse Ismaaciil Jaamac iyo Faadumo Cusmaan Nuur.
Waxaana Kursigaasi ku soo baxay Muuse Ismaaciil oo helay 48 cod.
Si kastaba ha ahaatee, 10-ka Kursi ee ka harsan saamiga xubnaha Beelaha Waqooyi ku leeyihiin Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka ayaa la filayaa in la doorto maalmaha soo socda, sida ay Dalsan u sheegeen Guddiga Doorashadda iyo Ergadda kale.
©Radio Dalsan