13 Kun oo tan oo isugu jira raashinka noocyadiisa kala duwan iyo daawooyin  ayaa Maanta waxaa lagu wareejiyay dowaldda federaalka Soomaaliya .
Markab siday oo ay ku deeqday dowaldda turkiga ayaa waxaa kala wareegay Masuuliyiin ka socotay dowaldda federaalka Soomaaliya.
Hay’adda Bisha Cas ee dalka Turkiga oo deeqdaan lasoo marsiiyay ayaa waxa ay sheegtay in ay sii waddi doonto u gargaarida Shacabka Soomaaliyeed.
Wasiir ku xigeenka Wasaarda Gargaarka dowladda Federaalka Soomaaliya Cilmi Cumar Ceysane ayaa uga maahdceliyay dowaldda Turiga garab istaaga Shacabka soomaaliyeed iyo deeqdan ay maanta ku wareejiyeen.
Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya oo isna Goobta ka hadlay ayaa sheegay in Turkiga ay mar walba siiwadi doonaan taageerida iyo waliba gacansiinta Shacabka Soomaaliyeed.
Deeqdaan isgu jirta Cunada noocyadseeda kala duwan iyo dawada ayaa dowaldda Soomaaliya waxa ay balan qaaday in ay dhamaan gaarsiin doonto Maamul goboleedyada dalka ka jira
Sawiro