Dayaxa oo xalay cinjiro dhiig o okale noqotay ayaa waxaa si weyn looga arkay laga so obilaabo Europe, Raashiya, Afrika, Bariga Dhexe, Australia iyo inta badan Qaaradda Asia iyo qeybo ka mid ah Koonfurta Mraaykanka.
Dalka Britain xalay lagama arkin Dayaxa, maadaama Darruur roob watay la sheegay inay sababtay inaan la arkin Dayax-madoobaadka oo socday muddo u dhexeysay 84 daqiiqo ilaa 104 daqiiqo.
Dayax-madoobaadka waxa uu dhacaa marka uu dhulka si toos ah ugu soo beegmo ama uu kala dhex galo inta u dhexeysa Qorraxda iyo Bisha.
Markay  taasi dhacdo, Dhulku waxa uu xayirayaa Ifriinka ka imaanayey Dayaxa ee u socday Qorraxda, iyadoo Hooska Dhulka ku soo dhacayo Bisha.
Dhinaca kale, Hay’adda Maraykanka ugu qaabilsan dhinaca Cirbixiyeenka ee NASAÂ waxay sheegtay in Dayax madoobd kale oo uu waqtiguiisu dheer yahay la filan karo sannadka 2123 oo haatan naga xigto 105 sanno.
Wararka kale ayaa sheegayo in sannadka 2090-ka la filan karo Dayax-madoob la mid ah kii xalay wada saameeyey Caalamka oo idil.
Lama huba inay sadaashaasi la arki doono iyo in kale, balse Rabbi ayaa ku cilmi leh waxa ka dhacayo Koonkiisa.