Hal maalin kadib, markii ay Dowladda dhexe ee Hindiya qaaday Xayiraadda Mahrajaanka La-legdanka Dibi’da ayaa waxay 2 qof ku geeriyootay Dabaaldeg noocaasi ah oo lagu qabtay Koonfurta dalkaasi.
Ilaa 90-qof ayaana ku dhaawacantay Ciyaar-dhaqameedkaasi oo ka dhacday Tuulladda Rapoosal ee Degmadda Pudukottai  ee Gobalka Tamil Nadu.
Ciyaartan oo loo yaqaano “Jallikattu†waxaa horey u mamnuucdy Maxkamadda Sare ee Hindiya sannadkii 2014-kii, sababo asaas looga dhigay dhibaataynta caddowtooyadda leh ee loo geysto xoolaha.
Ciyaartan waxaa inta badan ka qeyb gala ragga Dhallinyarada ah, kuwaasi oo meel fagaare ah ku cayrsada Dibi’da. Iyagoo ka qabanayo Geesaha ama dusha ka kora Dibi’da oo ay garaacaan.
Marka ay Dibi’du weyraxaan, waxay ku qamaamaan Dhallinyarada oo ay ka dhigaan kuwo ay herdiyaan, kuwo ay durduriyaan iyo kuwo ay Geesaha ku mudaan ilaa ay ka dhintaan.
Xaallad Khatar ah ayaana lagala kulmaa Ciyaar Dhaqameedka caynkan oo kale ee dadka Reer Hindiya u yaqaanaan “Jallikattu.
Dalka Spain waxaa ka jirta Ciyaarta Dibi’da (Spanish bull fighting), iyadoo Dibi’daasi la siiyo Khamri, si aysan u weyraxin ama aysan dad badan u cayrsanin.
©Radio Dalsan