Labadii Ciyaartoy ee Xulka dalkaasi ee xalay khasaariyey  Rigoorayaasha ayaa la sheegay inay heleen Hanjabaad ku aadan in la dili doono.
Warbaahinta Bulshadda ayaana la soo dhigay hadalo aflagaado iyo Hanjabaad loo diray labadaasi Ciyaartoy oo lagu kala magacaabo Mateus Uribe iyo Carlos Bacca, kuwaasi oo aan dhalinin Rigoorayaashii ciyaartii ay xalay la yeesheen Xulka K/cagta ee dalka Britain.
Ciyaartoyga Mateus Uribe waxa uu laadkiisa Rigooraha ku dhuftay Birta Goosha, halka Ciyaartoyga kale ee Carlos Bacca laadkiisa uu badbaadiyey Gool-hayaha Xulka Britain ee lagu magacaabo Jordan Pickford.
 Ciyaartoyda Xulka K/cagta ee loo hanjabay waxay walaac ka muujiyeen Digniinta lagu sheegay in la dili doono haddii ay Kolombiya dib ugu soo laabtaan.
Taageerayaasha dalka Kolombiya waxaa lagu tilmaamay inay yihiin kuwo ay madax martay inay Ciyaartoyda u hanjabaan, isla markaana ay dilaan haddii ay guul-darro u soo hooyaan dalkaasi.
Shalay oo Xulka K/cagta ee Kolombiya ka hareen Is-reebreebka Koobka Adduunka ee ka socda dalka Raashiya waxay ku beegnayd sannad-guuradii 24-aad markii ay Taageerayaasha dalkaasi toogasho ku dileen Ciyaartoy lagu magacaabi jirey Andrés Escobar Saldarriaga kaasi oo Xulkiisa ka dhaliyey gool ay kaga hartay Koobkii Adduunka ee sannadkii 1994-kii  la galeen Xulka Maraykanka.
Ciyaartoygaasi oo lagu naanaysi jirey “The Gentleman†waxaa lagu yaqiinay qaab ciyaareed nadiif ahaa.
Andres Escobar oo  27-jir ah waxaa la toogtay 10-maalmood kadib, markii uu gool si qaldan uga dhaliyey Xulkiisa oo ay la galeen Xulka K/Cagta Maraykanka, taasi oo Xulka K/cagta Kolombiya uga hareen Tartankaasi
WQ: Ustaad Nuradin