Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay in saqdii dhexe ee xalay weerar lagu qaaday Goob lagu caweeyo oo ku taalla magaalladda Istanbuul, halkaasi oo lagu dilay ugu yaraan 35-qof, laguna dhaawacay 40-kale oo ay ku jiraan dad shisheeye ah oo 8 ka mid ah xaalladooda laga dayrinayo.
Telefishinka CNN TURK ayaa baahiyey inay ku-dhawaad 700 oo qof ku jireen Dhismaha la weeraray oo lagu magacaabo The Reina Nightclub, kuna yaalla Degmadda Besiktas ee magaalladda Istanbuul.
Ugu yaraan hal dabley ayaa la sheegay inuu weerarka geystay, kaasi oo markii hore dilay Sarkaal Bolis iyo qof Rayid ah, ka hor inta uusan gudaha u gelin Dhismaha lagu caweynayey.
Warar ayaa sheegayo in labo dabley ah geysteen oo mid ka mid ah la dilay, halka kii kalena uu baxsaday.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Istanbuul, Vasip Sahin waxa uu Toogashadaasi ku tilmaamay “Weerar Argagixiso†o olagu dilay dad aan waxba galabsanin oo u dabaal-degayey sannadka cusub ee Miilaadiyadda ee 2017-da, waa sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama oo booqasho ku jooga Jesiiradda Haawaay waxa uu Dowladda Turkiga uga tacsideeyey toogashadaasi, wuxuuna Kooxdiisa ka codsaday inay taageero siiyaan Madaxda Turkiga.
©Radio Dalsan