Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay in ghaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa lagu dhuftay Bas ay la socdeen Askaraan xilligaasi shaqo ku jirin, kaasi oo marayey Degmadda Kayseri ee Bartamaha dalkaasi.
Qaraxaasi waxaa la xaqiijiyey inay 13 Askari ku geeriyootay, in ka badan 48 kalena ku dhaawacmeen.
Wakaalldda Wararka ee Dogan News Agency ayaa sheegtay in Baska lagu dhuftay gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa meel ku dhow Dhismaha Kambaska Jamaacadda Ershiyes.
Qarxan ayaa yimid hal isbuuc kadib, markii 44 Askari lagu dilay weerar ka dhacay duleedka Garoonka K/cagta ee magaalladda Istanbuul, laguna dhaawacy in ka badan 150 kale.
©Radio Dalsan