Lammaanayaal u dhashay dalka Hindiya oo da’ ah ayaa Warbaahinta Caalamka isbuucan qabsaday, kadib, markii uu u dhashay ilmihii ugu horreeyey ee ay weligooda dhalaan.
Daljinder Kaur oo 72 jir ah ayaa dhashay wiil, kadib, markii loo adeegsaday Daaweynta IVF ee Bacriminra.
Hooyaddan ayaa sheegtay inay haatan noloshooda dhamaystiran tahay, kadib, markii ay in muddo ah ilmo la’aan haysay iyada iyo Odaygeeda oo lagu magacaabo Singh Gill oo 79 jir ah.
Lamamanaha oo ku nool Degmadda Amritsar ee dalka Hindiya ayaa ku farxay wiilka u dhashay oo ay ugu magac dareen Armaan.
Waxaa isku soo duway: Ahmed Hagi Ugaaska
©Radio Dalsan