Labada Hoggaamiye oo Kulankoodii Koowaad berri ku yeelan doona Jesiiradda ee dalka Singapore waxay maanta Kulamo kala gaar ah la yeesheen Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Lee Hsien Loong oo isagu marti-gelinayo Shirkaasi.
Madaxweyne Trump iyo Ra’isul-wasaaraha Singapore waxay Kulan Qado oo Khaas ah maanta ku yeesheen Aqalka Dowladda ee dalkaasi, iyadoo uu Ra’isul-wasaaraha mar sii horreysay la kulmay Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya, Kim Jong Un.
Dhinaca kale, Wakaalladdu waxay mar sii horreysay xaqiijsay  inay Kim Jong Un iyo  Donald Trump berri ka wada hadli doonaan Nukliyeer-ka-dhigista   (Denuclearisation) ee Waqooyiga Kuurya, inkastoo ay Wakaalladda dhawaan mar kale shaacisay inay Labada Hoggaamiye ka wada hadli doonaan sidii loo dhisi lahaa Nidaam Nabad-dhowris joogto ah ee Gcaanka Kuurya iyo Qoddobadda wadajirka ee ay ka walaacsan yihiin.
Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya oo ay wehliyaan Wasiiradisia Arrimaha Dibedda, Difaaca iyo Walaashiisa Kim Yo Jong waxa uu doonayaa in dalkiisa la maal-gasho, balse uusan doonaynin in Kaalmo loogu yabooho.
Sidoo kale, Kim Jong Un waxa uu u arkaa Guul inay miiska Wada-xaajoodka isla soo fariistaan Madaxa dalka ugu awoodda badan Caalamka.