Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Sarkaal Ciidan oo Maanta lagu dhex dilay Gudaha Dekada weyn ee Magaalada Muqdisho.
Sarkaalkaan oo ka tirsanaa Ciidamada Badda ayaa Magaciisa lagu sheegay Siciid Mariin,kaas ayaa Madax ka ahaa qeyb ka mid ah Dekada,waxaana la sheegay in dilkiisa ka dambeeyay nin ku xigeenkiisa ahaa.
Dilka kadib ciidamo ka mid ah kuwa ilaalada Dekada ayaa ninkii Gacan ku dhiiglaha ahaa Gacanta ku dhigay kuwaas oo kala wareegay qorigii uu watay kadibna xabsiga dhigay sida ay Dalsan u sheegeen saraakiil ciidan.
labada masuul ayaa la sheegay in ay isku khilaafeen Canshuur welina kama hadlin Saraakiisha ciidamada Badda oo uu ninka la dilay ka tirsanaa iyo Madaxda Dekada Weyn ee Magaalada Muqdisho.