Ciiddan ka socda Hay’adda Socdaalka iyo Xoojinta Sharciga ee Maraykanka ayaa la sheegay inay Xabsiga dhigeen 82 qof oo ka soo  kala  jeeda 26-dal.
War ka soo baxay Hay’adda U.S. Immigration and Customs Enforcement, lagu soo daabacay Websaytkooda  ice.gov waxaa dadkaasi lagu soo qabtay Hawlgalo bishii hore ee March 26-dii ilaa 30-dii ka kala dhacay Gobalka Virginia iyo magaalladda Wshington DC iyo  Gobalka Maryland.
68 ka mid ah dadkasi ayaa la sheegay inay yihiin Dembiilyaal horey loogu yiqiinay Fal-dembiyeedyadd Dhaca Hubeysan, Tuuganimo iyo Isticmaalka Daroogadda.
Qoraalka ka soo baxay Hay’adda Socdaalka Maraykanka iyo Xoojinta Sharciga ee Maraykanka aya lgu sheegay in Eedeysanayaasha la soo xiray uu ka mid yahay Muwaadin Somali oo 50-jir ah, kaasi oo la sheegay inuu ahaa Sarkaal ka tirsanaa Hay’adda Nabadsdugidda Qaranka Somalia “The Somalian National Security Service (NSS)-ta ee Xilligii Dowladdii Kacaanka oo ahayd Hay’ad ku caan baxday Tacadiyadda ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha, Kufsiga, Jir-dilka iyo Dilalka ka baxsan, waa sida lagu xusay Warbixinta.Qaanuunka.
Ninkaasi oo aan magaciisa la shaacinin ayaa la sheegay inuu ku lug leeyahay Dembiyo la xiriira Daroogada.
Dhinaca kale, Eedeysanayaasha kale ee ka mid ah 82-ka qof ee lagu xiray dalka Maraykanka ayaa la sheegay inay ka soo kala jeedaan 26-Waddan oo ay ka mid yihiin:-Algeria, Bolivia, China, Cuba, the Dominican Republic, El Salvador, Ethiopia, Ghana, Guatemala, Guinea, Honduras, Iran, Jamaica, Mexico, Moldova, Mongolia, New Zealand, Nicaragua, Peru, Philippines, Â South Korea, Sudan, Trinidad, Vietnam and Sierra Leone.
Â