Wararka aan ka heleyno Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi xalay lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Booliska maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Dilkan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay bartamaha Degmada,isla markaana kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ay u geysteen Sarkaalka xili uu ka soo baxayay Saldhiga degmadaas.
Kooxihii ka dambeeyay dilkaan ka dhacay Buurhakaba ayaa durbo goobta ka baxsaday,iyagoona horey usii qaatay qorigii uu watay Sarkaalka.
Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Degmada Buurhakaba ayaa gaaray goobta uu falka ka dhacay,waxaana halkaasi ay ka qaadeen Meydka Marxuumka,isla markaana goobta ka sameeyay howlgalo lagu baadi goobayo ragii fuliyay falkaasi.
War ay barahooda ku qoreen Al-shabaab ayaa waxa ay ku sheegteen Mas’uuliyadda weerarkii xalay lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Booliska maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ka dhacay Buurhakaba.