Koox hubeysan  ayaa Caawa qeybo ka mid ah Xaafada Siliga Ameerikaanka oo ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir waxa ay ku dileen Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya
Sarkaalka la dilay oo ka tirsanaa Ciidamada Meleteriga Soomaaliya ayaa la sheegay in xiliga la dilayay uu fadhiyay Goob Maqaaxi oo ku taalla Xaafada Siliga Ameerikaanka.
Kooxo ku hubeysan Butoolado ayaa rasaas ku furay Goobta uu fadhiyay taas oo sababtay in uu u geeriyoodo waxaana sidoo kale rasaastaas ku dhaawacmay qof Shacab ah.
Dadka deeganka qaarkood oo Dalsan la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in Goobta ay soo gaareen Ciidamada dowladda Soomaaliya isla markaana haatan ay wadaan howlgallo baaritaano ah.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com