Wargeyska The Observer ee ka soo baxa magaalladda Kampala waxa uu goor dhow qoray in Kabtan ka tirsan Ciiddanka Difaaca Uganda ee UPDF is-dilay, kadib, markii uu toogtay saaxiibkiisa.
Sarkaalkaasi oo aan weli magaciisa la shaacinin ayaa la sheegay inuu isku dilay qorigii uu watay, kadib, markii uu saaxiibkiisa u toogtay sababo aan la caddaynin.
Afhayeenka Ciiddanka Uganda, Richard Karemire waxa uu xaqiijiyey dhacdadaasi, balse waa uu ka gaabsaday faahfaahin dheeraad ah.
Dilkan ayaa yimid hal bil kadib, markii dhowr Askari oo Ugandhese ah ay isku dileen Xarunta Xalane bishii la soo dhafaay ee May 13-dii.
Faahfaahinta dhacdadaasi weli daaha lagama qaadin.
Dhacdooyinka Is-dilka ee ay Ciiddanka Uganda isku dilaan ama ay ku dilaan dadka rayidkaa ayaa waxay caadi ka noqotay gudaha Milliteriga dalkaasi.
Bishii December ee sannadkii hore, Maxkamadda Milliteriga ee Uganda waxay xabsi 80-sanno ah ku xukuntay dable Newton Oketto, kaasi oo toogasho ku dilay Haweeney Xaamilo ah, Saygeedii iyo wiilkooda.