Wararka aan ka helayno Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa kuw arramaya in xalay dil uu ka dhacay Magaaladaasi, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan dilkaasi.
Wararkuw axaa ay sheegayaan in Sarkaal ka tirsan Ciidanka Puntland lagu dilay Magaalada Gaalkacyo, waxaana Sarkaalka la dilay magaciisa lagu soo koobay Madax Wargalay, kaasi oo ka tirsanaa sida la sheegay Dowladda Hoose ee Magaaladaas qeybta Dowlad Goboleedka Puntland.
Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay Xaafadda Xaafada Garsoor ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxaana dilka fuliyay sida ay goob joogayaal sheegen dabley hubeysan, kuwaasi oo goobta isaga baxsaday falka kadib.
Ciidamo Boolis ah ayaa goobta gaaray, kuwaasi oo howlgallo sameeyay, mana jirto cid loo soo qabtay falkaasi sida wararku sheegayaan, Maydka marxuumka ayay ciidanku kasoo qaadeen goobta falku ka dhacay.
Mas’uuliyadda dilka ayaa waxaa sheegtay dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaana sheegeen in ay ka dambeeyeen dilkaas oo ahaa mid qorashaysan, war lagu qoray baraha Internet-ka ee Al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in ay dileen  Mas’uul ka tirsan Maamulka Gobolka Mudug ee Dowlad goboleedka Puntland.
Al-shabaab aya degaanada Puntland waxaa y ka fuliyaan dilal qorsheysan iyo qaraxyo, waxaana tiro dhowr jeer ah ay qaraxyo ku dileen mas’uuliyiin dhowr ah, iyadoo laamaha ammaanka loogu baaqay in qaadaan tallaabooyin lagu xaqiijinayo ammaanka.