Wararka aan ka heleyno degmada Ceel-Waaq ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in degmadaasi lagu dilay Sarkaal ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
Kooxo Hubeysan ayaa la sheegay in  ay Gurigiisa ku dhex  dileen Col,C/Rashiid Barre Gurxan oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaliya ee Gobolka Gedo.
Kooxdii ka dambeysay dilka Sarkaalka ayaa Goobta ka baxsatay,waxana lagu soo waramayaa in haatan gudaha degmadas ay ka socdaan howlgallo baaritaano ah.
Dhanka kale xiriir aan la sameynay Maamulka degmada Ceelwaaq ayaa waxa ay diideen in ay ka hadlaan dilka Sarkaalkaas.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com