Daniel Montion ayaa lagu soo eedeeyey inuu ahaa Sarkaalkii ka dambeeyey dilkii Marxum C/raxmaan Cabdi, kaasi oo bishii July ee saannadkii hore lagu dilay Caasimadda dalkaasi ee Ottawa.
Baaritaano ay sameeyeen Waaxda Dembi-baarista Boliska ee Gobalka Onatrio ayaa lagu ogaaday inuu Sarkaalkaasi mas’uul ka ahaa dilka Marxuumkaasi oo 37-jir ahaa.
Baaritaanka ayaa lagu ogaaday inuu Marxuumka u geeriyooday Jir-dil loo geystaym iyadoo Warbixinta lagu xusay in Sarkaalka iyo Marxuumka la dilay uu ka dhexeeyey Xiriir.
Muuqaal lagu qaaday Mobayl ayaa muujinaya iyadoo uu Marxumka dhulka jiifo, gacmahana ka jeebedeysnaa, iyadoo oo ay 2 Sarkaal dul taagan yihiin, oo mid ka mid ah uu si xun u jirdilay ilaa uu Marxuumka miyir-beelo.
Labo maalin kadib, ayuu Marxuumka ku geeriyooday Rug Caafimaad oo ay Ciiddanka gurmad ahaan u geeyeen.
Dilka Marxuumkaasi waxay horseeday Dibadbaxyo ballaaran oo ay Jaalliyadda Soomaalida iyo kuwa Muslimiinta ka dhigeen mgaallooyinka Ottawa, Toronto iyo Montreal.
Dhinaca kale, Warbixinta caddaynta Sarkaalka dilka geystay ayaa loo gudbiyey Xeer-ilaaliyaha Guud ee Gobalka Ontario, Yasir Naqvi.
©Radio Dalsan
Â