Taliska Xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay in uu isku soo dhiibay mid ka mid ah Saraakiisha Al-Shabaab, kaas oo ay ku sheegeen in uu ka howlgeli jiray Gobolka Shabeellaha Hoose.
Taliyaha ururka 49-aad ee Guutada 9-aad ee Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo ku sugan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo Faarax Maxmed (Turbac) ayaa sheegay in C/casiis Xasan Heybe, uu Al-Shabaab u qaabilsanaa qarxyada uuna ka howlgeli jiray degmada Baraawe.
“Ninkan oo isku soo dhiibay ciidamada Xogga Dalka, wuxuu inoo sheegay in uu ka baxay Shabaab,islamarkaana uu ka soo laabtay fikradaha qaldan oo ay aaminsan yihiin halkan ayuu joogaa,waxaan rajaynaynaa in kuwo kalena ay fahmi doonaan wadada saxda ahâ€, Ayuu yiri Taliye Turbac.
Tliska Guutada 9,aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaliya ayaa ninkaan haatan Gacanta ku haya, kaas oo da’diisa lagu qiyaasay 25-30 jir.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa horay waxa uu u sheegay in cidkasta oo ka tirsan Al-Shabaab ee dowladda soomaaliya isku soo dhiibta la cafin doono.