Ururka 4 aad ee guutada 16 aad ee kumandoosta danab ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo amaanka lagu xaqiijinayo ka sameeyay deegaanka Leego oo Qiyaastii 44 km dhanka woqooyi kaga beegan Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelada Hoose.
Howlgalkaasi ayaa ahaa mid qorsheysan oo ay ciidamadu ku qaadeen goobo la sheegay inay isku uruursanayeen A-shabaab, waxaana lagu burburiyay fariisimo dhowr ah oo ay lacago ah kaga qaadan jireen dadka shacabka ah, waaa sida hadalka loo dhigay.
Ciidamada kumandoosta DANAB ayaa markii ay burburiyeen fariisimahaasi waxa ay bilaabeen baaritaano joogto ah oo lagu xasilinayo ammaanka Degmooyinka iyo Deegaanada katirsan Gobolka Shabeellada Hoose.
Ciidamada Xoogga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada howlgallo kala duwan oo dhan ah Al-shabaab oo deegaano iyo degmooyin ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Hoose.