Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay gudaha degaanka xeebte ee Jilib Marko ee Gobolka Shabellada Hoose.
Diyaaradaha Droneska Mareykanka ayaa duqeyn la beegsaday saldhig ay Al-shabaab ay ku lahayeen degaanka Jilib Marko ee Gobolka Shabellada Hoose.
Cutubyo ka tirsan Ciidanka Danab ayaa la xaqiijiyay in ay gudaha u galeen degaanka isla markaana ka fuliyay Howlgal qorsheysan.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Danab ee Xoogga Dalka oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka Sida ayaa sheegay in howlgal qorsheysan lagu bur buriyay saldhigii Al-shabaab ay ku lahayeen gudaha degaanka Jilib Marko.
Saraakiisha Danab waxa ay xaqiijiyeen howlgalka lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo xilal muhiim ah ka haayay iyo ku dhawaad 22 dagalame oo ka tirsan Al-shabaab.
Saraakiisha lagu dilay weerarka ayaa lagu kala magacabaa Abuu Yaasiin Sheikh Maxamed oo Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka gobolka shabellada Hoose iyo Maxamuud Abuu Xamza ayaa la sheegay inuu dhawaan kasoo laabtay dalka Siiriya.
Saraakiisha Danab waxa ay ugu dambeynti sheegeen in gacanta lagu soo dhigay Afar gadiid ay Al-shabaab ku diyaariyeen walxaha qaraxa.