Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa shaagay in Lix xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab ay ku dileen agagaarka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Mohamed Ali Abdullahi, oo ah Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka ee Baardheere ayaa saxafadda u sheegay in ay iyagu weerar ku qaadeen halka ay ku sugnaayeen Al-Shabaab markii ay xog ka heleen Dadka degaanka waa sida uu hadalka u dhigay.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka xoogga ay halkaasi kaga gubeen Al-Shabaab Laba Gaari oo nooga dagaalka ah.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in howlgalka Khasaaro uu ka soo Ciidanka dowladda, waxaana laga dilay laba Askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka.
Ciidanka xoogga dalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay dhaq-dhaqaaqyo Ciidan ka waday deegaano hoostaga degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.