Afhayeenka Ciidanka Xoogga dalka Kornayl Cali Xaashi ayaa wareysi uu siiyay Radio Muqdisho ku sheegay inay ku dileen in ka badan 70 ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, isla markaana waxaa uu guulo ka sheegtay dagaalkaasi shalay ka dhacay Gobolka Shabeellaha dhexe.
“Ciidamada waxa ay ka dagaalameen aagag fara badan, jab xoogleh ayaana u geysanay Al-Shabaab, dagaalka xoogiisa waxa uu ka dhacay Warta Jilaable †ayuu yiri Kornayl Cali Xaashi.
Afhayeenka ciidanka xoogga dalka ayaa xusay in Al-shabaab laga saaray tuulooyin dhowr ah, kadibna ay billaabeen Warta Jilaable gabaad ka dhigteen, waa sida hadalka u dhigaye, waxaana uu intaa ku daray in ciidamada ay si buuxda gacanta ugu hayaan goobihii lagu dagaalamay.
dhanka kale dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa dhankooda guul ka sheegtay dagaalkaasi, waxaana warar lagu qoray Baraha Internetka ee ku hadla Afka Al-shabaab lagu sheegay in ay dagaalkaasi ku dileen ku dhawaad 18 Askari, oo ay Sarakiil ay ku jiraan.
Marka laga tago guulaha ay kala sheegteen ma jirto cid ka maadxbannaan labada dhinac oo xaqiijisay Khasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii shalay ka dhacay Gobolka Shebeellaha dhexe.