Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay Ciidanka Xoogga dalka iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab uu dagaal xoogan ku dhexmaray duleedka deegaanka Bariirre ee Gobolkaas.
Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay in markii uu yimid kadib Al-shabaab ay weerar xoogan ku soo qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Bariirre,isla markaana waxaa intaasi kadib dagaal Culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
General Odawaa Yuusuf Raagge Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga dalka oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa waxaa uu sheegay in dagaalkii ka dhacay Bariirre ay Al-shabaab uga dileen 20 dagaalyahano oo ka tirsnaa.
Sidoo kale Taliyaha ayaa tilmaamay in dagaalamayaashkii ka tirsanaa Al-shabaab ee dagaalka la dilay ay isku dayeen in ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Saldhig ciidanku ku lahaayeen duleedka Bariire.
Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ka wadeen dhaq-dhaqaayo Ciidan,iyagoona dhawaan Al-shabaab kala wareegay Degmada Awdheegle ee Gobolkaas.