Wararka Radio Dalsan ka helayo gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta qeybo ka mid ah gobolkaas lagu arkay Diyaarado dagaal oo jawi Hoose ku duulaya.
Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in Diyaaradahaan oo jawi hoose ku socda lagu arkay tuulooyin hoostaga degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.
Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in tuulooyin ka tirsan gobolka Gedo lagu arkay Saraakiisha ugu sareeya Al-Shabaab taas oo keentay in Diyaaradaha ay halkaasi tagaan in kastoo aysan jirin Warar madax banana oo xaqiijinaya..
Weli lama shaacin duqeymo ay diyaaradahaas fuliyeen basle dadka deegaanka waxa ay sheegayaan in ay casbi soo wajahday maadaama Diyaaraduhu laga yaabo in ay duqeyn geystaan.
Xaalada tuulooyin hoostaga degmada Garbahaareey ayaa Maanta ah mid kacsan,iyada oo dhaq dhaqaqyo ciidan laga dareemayo halkaas.