Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgalo waxa ay ay ka sameeyeen deegaanka  Hees oo ka tirsan gobolka Hiiraan howlgalkaas oo ahaa mid lagu xaqiijinayay dhanka amniga.
Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa u xaqiijiyey Warbaahinta Dowladda in howlgalkaas lagu dilay Sarkaal lagu magacaabo Cali Axmed Guure kaas oo Al-Shabaab u qaabilsanaa Aruurinta waxa loo yaqaano Zakawaadka, islamarkaana deegaanka uu ka dhacay Howlgalka  uu u dhaxeeyo magaalooyinka Baladweyne iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Ciidamada ayaa la wareegay deegaanka Hees oo qiyaastii 35-km u jira a magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan.
Hawlgalkaas ayaa waxaa iska kaashanayey ciidamada xoogga iyo AMISOM, waxaana sidoo kale lagula wareegay deegaanka Baar Dheere iyo wadada Afar Irdood oo isku xira magaalooyinka Baladweyne, Maxaas iyo magaalada Buula Burde.
Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgalo kala duwan ka wada deegaanno iyo degmooyin kamid ah dalka, kadib markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Faramajo uu sheegay in howlgalkaas uu bilaaban doono.