Warar lagu kalsoon yahay oo Dalsan Radio heshay ayaa waxa u uxaqiijinayaa in 2 Sarkaal oo ka tirsan Waaxda Dembi-baarista Boliska ee CID-da maanta loo taxaabay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, kadib, markii uu Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir amray in la soo xiro Saraakiishaasi.
Saraakiisha la soo xiray oo lagu kala magacaabo Maxamed Cabdi Axmad iyo Farxaan C/xakiim Mursal ayaa loo haystaa inay sifo qaldan u xireen Agaasimaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka ee DFS, Daahir Maxamed Nuur, kaasi oo ay gurigiisa kala baxeen Abaarihii 12-kii habeenimo ee saqdii dhexe ee habeenkii Khamiista ee la soo dhaafay.
Xariga Agaasime Daahir ayaa waxaa la sheegay inuusan ahayn mid waafqsan Sharciga, sida ay caddeeyeen Sharci-yaqaanadda.
Dhinaca kale, Xariga Labadaasi Sarkaal ee ka tirsan Hay’adda CID-da ayaa yimid, kaadib, markii uu Gudoomiyaha Maxkmadda G/Banadir Muuse Maxamed saakayto si hordhac ah u dhagaystay dacwada Agaasimaha wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Daahir Maxamed Nuur oo habeenkii khamiistii ciidamo boolis ah ay ka soo qabteen xaafadiisa 12:00 Habeenimo.
Saraakiisha waxaa la sheegay ineysan dariiq sax ah u marin xariga agaasimaha iyo ineysan heysan warqad amar soo qabasho iyo sido kale cadeymaha eeda oo aan cadeyn