Tirada Askarta Kenya ee ku nool magaalladda Nairobi ee uu ku dhacay Koleeraha ayaa la sheegay inay sare I kaceen, waxayna tirade gaartay in ka badan 30-Askari.
Dowlad-gobaleedka Nairobi waxay si KMG u xireen Xarumaha Boliska ee uu saameeyey Cuddurka Koleeraha.
Madaxa Guud ee Caafimaadka Nairobi, Bernard Muia ayaa maanta shaaciyey inuu Ciiddankaasi ku dhacay Cuddurkaasi, kadib, markii ay Cunto ka cuneen Jaamacadda Mulu Media University oo ku taalla Nairobi.
Isagoo ka hadlayey Isbitaalka Sinai ee Nairobi oo la dhigay ilaa 50 Askar Bukaan-socod ah ayaa sheegay in laga shaki qabo inay xanuunka ka qaadeen cuntada ay sida wadajirka u cuneen.
Dr. Muta waxa uu xusay in 50-Bukaan la dhigay Isbitaalka Sinai, halka 31 ka tirsan Haweenka Boliska ah la dhigay Isbitaalka Haweenka ee Nairobi.
Sidoo kale 12 Askar ayaa lagu daaweynayaa Isbitaalka Kenyatta National Hospital.
Saraakiishaasi oo ka kla yimid qeybo ka tirsan dalkaasi ayaa loogu talagalay inay sugaan Ammaanka Garsoorayaasha Maxkamadda Sare oo iyagu Jimcihii ku dhawaaqay in mar kale lagu celiyo Doorashadda Madaxtinimadda ee Kenya.