Taliyaha Guutada 15-aad ee qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka General Mascuud Maxamed Warsame iyo wafdi saraakiil ah oo uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.
Ujeedka Taliye Mascuud u tegay Caabudwaaq ayaa waxaa ay tahay sidii loo xalin lahaa xiisad u dhexeeysa Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka ee ku sugan halkaas, iyadoo xiisadaas laga dareemayay Magaalada.
Sidoo kale inta uu sugan yahay General Mascuud Maxamed Warsame Caabudwaaq ayaa waxaa uu kulamo kala duwan ka qaadan doonaa Maamulka Degmada iyo Saraakiisha Ciidanka Dowladda iyo kuwa Galmudug.
Taliyaha Guutada 15-aad ee qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga ayaa shalay dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dalka Galmudug, kadib marii maalmihii lasoo dhaafay uu ku sugnaa Muqdisho.