Maanta oo kale, bishii October 12-dii ee sannadkii 1954-kii waxaa la hindisay, lana soo bandhigay Shaxda Calanka Qaranka Somalia ee bulugga dhexda ku leh Xiddigta Cad.
Calanka oo ah Astaanta Qaranimadda Somali ayaa waxa uu ka turjumayaa Shanta Gobal ee ay Gumeysigii Europe ku kala qeybsadeen Goballadda dalka Somalia.
Shirkii Gumeystayaashii Reer Europe ee ay sannadkii 1884-kii ku kala qeybsadeen dalalka Qaaradda Afrika waxa uu saamayn xoogan ku yeeshay Midnimadda Goballadda Somalia, waxaana la kala qoqobay Ummadda Soomaaliyeed oo loo kala qeybsaday Shan Qeybood oo kala ah:
1- Goballadda Koonfurta oo uu Gumeysigii Talyaaniga maamuli jirey.
2- Goballadda Waqooyiga oo uu Gumeystihii Ingiriiska maamuli jirey.
3- Gobalka Dhulka Kaydka ee Reserved Area ee Ogadeniya oo uu Gumeysigii Britain maamuli jirey, ka hor inta aan loo hibeeynin Ethiopia.
4- Gobalka NFD oo uu Ingiriiska gumeysan jirey, kadibna ay u hibeeyeen dalka Kenya.
5- Jabuuti oo uu gumeysigii Faransiiska xukumi jirey.
Calanka Somalia ayaa waxa uu weli astaan lagu soo hirto u yahay Shanta Somali-weyn, inkastoo xawaarihii Baadigoobka Midnimadda Somalia ku wiiqmeen Dagaalladii Sokeeye iyo kuwa Siyaasadeed ee ka dhacay dalkeenna.
Waxaa gaasir noqotay Midnimadda dalka, waxayna Beelaha Soomaaliyeed bilaabeen inay hindistaan Calamadda Maamul-gobaleedyadda, kuwaasi oo khatar ku haya Astaanta Guud ee Calanka Qaranka Somalia.
Maamul-gobaleedyadda Puntland, Galmudug, K/galbeed iyo Jubbaland waxay samaysteen Calamo u khaas ah, waxayna Calamadda Goballadda ka feer taagaan Calanka Qaranka.
Siyaasiyiinta Qaran-diidka ee deggan Goballadda W-Galbeed Somalia ayaa waxay u xusul-duubeen inay marin habaabiyaan Qaddyadda Midnimadda Ummadda Somalia, waxayna sannadkii 1991-kii ku dhawaaqeen Gooni-goosasho, inkastoo aysan ilaa iyo haatan helin Ictiraaf.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa ayaan-darro noqotay inay Ummadda Soomaaliyeed xushmad siinin Qiimaha Calanka Somalia, waxaana Xushmadad Calanka ugu dambaysay xilligii ay Dowladihii Rayidka iyo Dowladdii Kacaanka, oo si haybad leh loo maamusi jirey.
WQ. Ustaad Nuradin Abokor Ahmed