Waxaa qortay: Hinda Abdi Mohamoud
Tafatiraha guud ee Bilan – Warbaahintii ugu horreysay ee dhammaan dumar ah ee Soomaaliya Muqdisho
“Saddex Sanno oo Shaqo, Samir & Guul ah”
Saddex sanno ka hor, koox yar oo leh yool weyn ayaa isugu timid xafiis yar. Waxa ay wadaageen riyo kaliya; in ay cod siiyaan kuwa aan codka la siinin oo ay dunida la wadaagaan sheekooyinka muhiimka ah, mana aysan ogeyn halka uu safarkoodu ku dambeyn doonno.
Hammigooda waxa uu ahaa mid cad bilowgii, kaas oo ahaa in ay soo saaraan warbixino mug leh oo gaadhaa bulshada Soomaaliyeed iyo dhagaystayaal caalamka . Riyadii maalinkii ayaa maanta isu beddeshay madal warbaahineed oo awood leh oo saameyn weyn ku leh gudaha iyo dibadda Soomaaliya.
Muddo saddex sanno gudaheed ah, kooxda Bilan waxa ay soo saartay boqolaal warbixinno, muuqaallo, iyo barnaamijyo kala duwan. Shaqadoodu waxa ay taabanaysaa arrimo muhiim ah sida; arrimaha bulshada, isbeddelka cimilada, xaaladaha bini’aadantinimo, cadaaladda, dhaqanka, hal-abuurka, xuquuqda aadanaha, horumarka, siyaasadda, arrimaha haweenka iyo dhallinyarada.
Waxa ay soo tebiyeen in ka badan 300 oo sheeko, kuwaas oo isugu jira kuwo aan hore loo tebin iyo kuwo saameyn leh, sida dadka la takooro ee la nool xanuunka HIV, nolosha dadka qaba xanuunka baraska/barasta (albinism), dhibaatada mukhaadaraadka iyo daroogada, hooyooyin kiraysta carruurta si ay u tuugsadaan, wacyigelinta gabdhaha yar yar ee xilliga qaan ku jira ee iskuulayda ah.
Sheekooyinkan waxa ay gaadheen dhegaystayaasha caalamka iyada oo loo marayo iskaashiga ay Bilan media la leedahay warbaahinta caalamiga ah sida; BBC News, The Guardian, El País, The Missing Perspectives, The New Humanitarian, Avvenire iyo kuwo kale oo badan.
Dhanka kale Bilan waxa ay ku guuleysatay abaalmarinta caalamiga ah ee One World Media Press Freedom Award, waxaana sidoo kale loo magacaabay (nominated) abaalmarinta Xorriyadda Hadalka ee Index on Censorship iyo Abaalmarinta Xuquuqda Aadanaha ee Caalamiga ah ee Nuremberg.
Sidoo kale, Tifatiraha Guud ee Bilan — Hinda Abdi Mohamoud — waxaa loo aqoonsaday mid ka mid ah liiska boqolka haween ee ay soo saarto BBC 100 women list 2024, liiskan ayaa lagu sharfaa haweenka saameynta ku leh dunida.
Dad karti leh ayaa kusoo biiray Bilan media oo horumar xirfadeed ku sameeyay. Qaar ayaa safarkooda ku bilaabay si tababaro (internship) ah, balse maanta waxa ay yihiin shaqaale joogto ah. tusaale ahaan, Ifrah Isse, waxa ay ku bilowday tababar, haddana waa Madaxa Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Bulshada.
“Waxa aan ku soo bilaabay tababar Bilan media , maanta waxaan ahay shaqaale rasmi ah, waxaanan, maamulaha Isgaarsiinta iyo baraha Bulshada.” Ifrah Isse
Xubnaha kale ee kooxda sida Sadia Nuur iyo Farhio Murad, ayaa iyaguna ka hadlay safarkooda;
“Waxa aan ku faanayaa in aan ka tirsanahay Bilan,” Sadia
“Safarkan wuxuu si weyn u horumariyay xirfadayda kamaradda iyo muqaal samaynta,” Farhio
Safarkan waxa ay ka barteen maalin kasta casharro cusub. In kasta oo caqabado badani jireen, haddana deddaalkooda iyo adkeysigoodu marna ma istaagin. Waxay wajahayeen dhibaatooyin wayna ka gudbeen.
Maanta, Bilan mahan oo kaliya koox warbaahineed. Waa bulsho mideysan, oo leh hadaf cad iyo aragti dheer; taas oo ah in ay wax ka beddelaan warbaahinta Soomaaliya iyo dhisida mustaqal u ifiyaya gabadha warbaahinta ku jira.
“Maahan oo keliya in aan sheekooyinka soo tebino, ee waxaan dhiseynaa dhaxal. Shaqadeennu waxa ay fure u tahay mustqabalka dumarka da’da yar ee doonaya in ay saxaafadda ku soo biiraan.” Hinda Cabdi Maxamuud, Tifatiraha Guud ee Bilan
Bilan waa kooxda warbaahineedii ugu horreysa ee ay dhammaantood dumar yihiin ee Soomaaliya. Waxaa maalgelinaya Midowga Yurub iyada oo loo sii marayo UNDP, waxaana martigelisa Dalsan Media Group. Bilan waxay iftiimisaa arrimaha ay haweenku ka walaacsan yihiin waxayna siisaa cod haweenka Soomaaliyeed.