C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo horay u soo noqday Taliyihii Ha’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Somalia iyo xildhibaan ka tirsanaa Golasha Shacabka ayaa si aan horay looga baran uga hadlay arrimaha Siyaasadda ee Somalia.
Wareysiga dalsan Media Group qeybteeda bahisa muuqaalada ay la yeelatay Sanbaloolshe waxaa uu uga jawaabay Su’aalo la xiriiray khudbad uu dhawaan ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho isaga oo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ku eedeyay in aysan runta ka sheegin metelaadda, taas oo uu ugala jeedo in marka ay xilka hayaan isaka dhigayaan in aysan qabaa’il gaara metelin marka kalana ay kalsooni ka raadsanayaan beelahooda.
Khudbadda uu jeediyay Sabalolshe ayaa weji cusub u yeshay Siyaasadda dalka waxaana hadal hayn badan ay ka dhalisay baraha bulshada hase’ahaate waxaa la weydiiyay in uu ka qoomamaynayo hadalkaas iyo in kale.
Waxa uu yiri “waxaan rabaa Siyaasadda Somaaliyeed inta 4-arrimood taagantahay in lagu dhaqmo sidaan,inta AMISOM dalka ilaalinayso oo Somaliland ay maqantahay oo Shabaab dalka heysto oo qof diyaas-bare ah oo dal kale ka mid yahay Milkiile Madaxtooyadana geli karo sidaan in lagu dhaqmo ayaan rabaaâ€,Siyaasadda dalkana si qabiilaysan looga hadlo.
Halkaan ka daawo Wareysi xiisso badan oo uu siiyay Dalsan TV.