Taliyihii hore ee hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA oo wareysi xasaasi ah siiyay Dalsan Tv ayaa uga hadlay arrimo badan oo ku aadan qorshihii Qalbi-dhagax loogu dhiibay dowladda Itoobiya.
Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa marka hore qirtay inuu qeyb ka ahaa dhiibista Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax ee dowladda ugu gacan gelisay Itoobiya xiligii Taliyaha NISA uu ahaa.
Sidoo kale Sanbaloolshe ayaa sheegay in Kiiska ay qeyb ka lahaayeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, isaga uu ka qaatay xiligaas doorkii fududeynta ee uu ka lahaa.
Isaga oo sii hadlaayay Taliyihii hore ee NISA ayaa waxaa uu dhiibista Qalbi-dhagx ku tilmaamay shil dhacay, isagoona dalbaday in laga cafiyo qeybtii uu ka qaatay falkaas, wuxuuna xusay inuu ahaa dembi weyn oo la galay.
“Waxaan shil ayuu ahaa, sidda ugu fiican in aan u xaliyey ayaana aaminsanahay, dad ayaa leh waa mu’aamaraad oo waxaa isku dabaridaaya, Wax mu’aamaraad la yiraahdo oo aniga aan sameynaayey Walaahi Bilaahi oo Talaahi in aysan jirin,†ayuu ku adkeystay Taliyaha.
Waxaa kaloo Taliyihii hore ee hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ugu baaqay Madaxweynaha iyo R/wasaaraha inay qaatan Go’aan geesinimo leh, isla markaana ay Cafis weydiistan C/kariin Qalbi-dhgax.
“Madaxda Qaranka waxaan ka codsanayaa inay qaataan go’aan geesinimo leh, ma qaldame waa ilaahey, waa in golaha wasiiradu mar kale ka fariistaan arrinta ONLF oo ka saaraan liiskii ay ku dareen ee argagixisada, waa in madaxda ONLF oo Qalbi-dhagax ku jiro Muqdisho lagu casuumo dembigaasna looga hoydo†ayuu yiri sii raaciyay hadalkiisa Sanbaloolshe.
Si kastaba Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ka tirsan Ururka ONLF ayaa Bishii August sanadkii 2017 waxaa laga qabtay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, iyadoona markii dambe dowladda Federaalka ay u gacan gelisay Itoobiya.