Qoysas badan oo soo barakacay ayaa u burburay sababo la xiriira isbeddelka cimiladda, taas oo saameysay beerahooda iyo xoolahooda ay dhaqanayeen. Kala tagan qoysaskan ayaa horseeday in haween badan oo barakacayaal ah ay masuul ka noqdaan sidii ay u dabbooli lahayeen baahida qoyskood.
Maano Sheekh Abuukar, oo ah hooyada 10 carruur ah oo ka soo barakacday deegaano hoos yimaada degmada Jowhar, ayaa sheegtay in ay lahayd beer 20 hektar ah, kuna beeri jirtay dalagyada kala duwan kuna maarayn jirtay nolosha qoyskeeda.
Maano ayaa sheegtay in daadad soo noqnoqday ay sabab u noqdeen in ay beerteeda waydo, kana barakacdo degaankeeda, maadaama aysan awoodin in ay ka ka xakamayso biyaha wabiga beerta iyo hoyga qoyskeeda. Tani waxay sababtay in sannadkii ugu dambeeyay ay barakac ku ahadey kaamka xeerka Al Cadala ee degmada Garasbaley ee gobbolka Banaadir.
“Markii beertii naga baba’day oo dalagyadii khasaare soo gaareen, dadkiina naga gadan waayeen wax soo saarka, ayuu ninkaygu u soo barakacay Xamar.”
Waxa ay sidoo kale sheegtay in burburka qoyska uu sabab u noqday in saygeedu ka soo tagay kana soo fogaaday qoyska. Wuxuu awoodi waayay in uu bixiyo biilka sida, waxbarashada, hoyga, cunada, iyo baahiyaha kale ee qoyska.
Maano oo hadalkeeda sii waddata ayaa dhahday; “Ninkayga waan isku faraxsanayn, waxa aan isku dhalnay sagaal carruur ah, kalsooni ayaan isku qabnay, laakiin hadda waxaana kala fogeynay danta iyo duruufaha ay sababeen iskubeddelka cimiladdu. Markii aan deegaankeenna joogney, waan faraxsanayn, wax walbana waan wadaagi jirnay.” Ayaa ay tiri.
Qoyska Maano ayaa hadda ku nool dhaqaale aan joogto ahayn, iyaga oo ka shaqeeya nadaafadda guryaha. “Ilmahaygu waxa ay ku barbareen dhul barwaaqo ah, laakiin baahida halkan ka jirta uma adkaysan karaan. Mar walba way xanuunsan yihiin, afar ka mid ahna maba kacaan oo nafaqa darro haysa.” Ayaa ay tiri Maano.
Dhanka kale, Duniyo Ali Abdi, oo 18-jir ah, oo hooyo u ah labba carruur ayaa ka soo barakacday deegaanka Saakoow ee gobbolka Jubbada Dhexe. Duniyo iyo qoyska ay ka dhalatay oo 14 qof ah ayaa si wadajir ah barakac ugu ah kaam ku yaala degmada Deyniile.
“Ilmahan caano iyo cunto midna uma hayo, biyo ayaan siiyaa haddii aan u helo wixii dariska ka soo hara oo cunto ah, aabbohoodna biil iguma siiyo,” ayay tiri Duniyo.
Duniyo iyo seygeeda ayaa sidoo kale u kala tagay sababo la xiriira cunto iyo nolol ku filan oo ay awoodi waayeen in ay helaan, taas oo keentay inay is furaan.
“Ninkeyga beeralay ayuu ahaa, markii abaarahu dhaceen, ka dib wuxu bartay cunista mukhadaradka, markasta na wuu idili jiray. Markii aan u dul qadan waayay ayaan ka soo cararay, abaaraha ka hor, wuxuu ahaa qof wanaagsan oo reerkiisa jecel.” Ayaa ay tiri Duniyo.
Haweenka barakacayaasha ah ee ku nool xeryaha barakaca ee Muqdisho ayaa badankoodu ah haween la nool carruurtooda, kadib markii ay kala tageen ragii ka dhalay ilmaha. Taas oo sababtay in carruurta aan gaarin da’da shaqada ay ka shaqeeyaan suuqyada Muqdisho si ay u maareeyaan nolosha qoysaskooda barakac ah.
Dhanka kale, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ku dhawaad 3 milyan iyo lix boqol kun oo qoys ay ku jiraan xaalad macaluul ah, kuwaas oo u badan qoysaska barakacayaasha ah ee isbeddelka cimiladdu u saameeyay ilihii dhaqaale ee ay ku tiirsanayeen.
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in daraasad dhawaan soo baxday ay caddeyneyso in burburka qoysaska uu qeyb ka yahay isbeddelka cimiladdu. Maxamuud Yasiin oo ka hadlayaa ayaa dhahay;
“Abaaraha dalka ka jira, fatahaadaha, isbeddelka cimilada, iyo cooladaha dalka ka socda ayaa sababay in qoysaska badani ay burburaan, kadib markii ay waayeen ilihii dhaqaale ee ay ku tiirsanayeen.”
Naciima Saciid, Bilan Media