Falaanqeeye arrimaha Siyaasadda iyo Milliteriga oo u dhashay dalka Sacuudiga ayaa sheegay in Saldhiga dhowr maalmood ka hor laga furay Somalia uusan ahayn mid Tababar oo keliya.
Xeeldheerahaasi, Ibraahim Al-marci oo wax ku qora Wargeyska maalinlaha ee Al-riyadh ee ka soo baxa Sacuudiga ayaa hadalkaasi ku sheegay Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka, wuxuuna tilmaamay in Saldhigaasi cabsi muuqato ku yahay Ammaanka Qaranka Sacuudiga, Masar iyo weliba dalalka Sudan iyo Yemen, waa sida uu hadalka u dhigay.
Ibraahim Al-marci waxa uu qoraalkiisa ku sheegay inay Dowladda Turkiga adeegsatay Awood Jilicsan iyo dhaxalka Taariikheed ee Muqdisho iyagoo u sii maray Nidaam Cajiib ah, waa sida uu hadalka u yiri.
Shabakadda Warbaahinta Turkiga ee turkpress.co ayaa soo xigatay hadal uu Qoraaga Sacuudiyaanka ku  sheegay in Awoodda jilicsan ee Dowladda Turkiga ku leedahay Somalia tahay inay DFS bil kasta siiyaan 5 million oo Dollar, Dib-u-dhiska (Dhismaha Barlamaanka. Dekedda Muqdisho, Isbitaalka Somalia) .
Waxa kale oo tilmamaay in Debecsanaanta Dowladda Turkiga muujinayso ka mid tahay inay marti-geliyaan 15,000 oo Arday Somali ah oo wax ka barta Jaamacadaha Turkiga iyo in Dugsiyadda Turkish-ka laga furo gudaha Somalia.
Maalintii Sabtida ee la soo dhaafay, Turkiga waxay Muqdisho ka furteen Xero Tababar oo ah tan ugu weyn oo ay ku leeyihiin Caalamka, si loogu tababaro Ciiddanka DFS.
Taliyaha Guud ee Ciiddanka Turkiga, Jeneral Khulosi Akkar oo ka hadlay Furitaanka Xeradaasi ayaa sheegay inay Dowladda iyo Milliteriga Turkiga ka go’an tahay inay taageero kasta u fidiyaan Walaalahooda Soomaalida.