Koox hubeysan ayaa xalay Saqdii dhexe waxa ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Weerarkaan ayaa waxa uu ahaa Bambaanooyin nuuca Gacanta laga tuuro ah sida ay Radio Dalsan u sheegeen qaar ka mid ah dadka Magaalada Gaalkacyo oo aan xiriir la sameynay,in kastoo aysan sheegin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi Bambaano.
Sarkaal ka tirsan Ciidamada weerarka lagu qaaday oo la hadlayay Warbaahinada ka howlgalla gudaha deegaanada Puntland ayaa sheegay in kooxdii weerarka ku soo qaaday ay iska difaaceen kuwaas oo ka yimid dhanka Puntland sida uu hadalka u dhigay.
Qeybo ka mid ah Xaafada Horumar ee Waqooyiga Gaalkacyo oo uu ku yaalo Saldhiga la weeraray ayaa saakay waxaa wararka aan heleyno ay sheegayaan in uu ka socdo howlgal kaas oo Ciidamadu ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeyey weerarkaas.