Wakaalladda Wararka REUTERS iyo IPSOS ayaa soo bandhigay in Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Dimuqraadiga, Hillary Clinton 6% ka horreyso Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump.
Cod-ururintan oo la sameeyey muddadii u dhexeysay bishan October 21-da ilaa 27-da ayaa waxay muujisay inay  dadka 42% u codeeyeen ama ay rajeynayaan inay u codeeyaan Hillary Clinton Doorashadda Madaxtinimadda oo dhici doonta bisha soo socota ee November 8-da.
Donald Trump waxa uu cod-ururinta ku waayey Taageeradda uu ka heli lahaa Haweenka Maraykanka, wuxuuna cod-ururinta helay 36%.
Haweenka ayaa la sheegay inay badankooda taageereen Hillary Clinton, tan iyo markii la soo bandhigay Muuqaalka Video-ga ee Fadeexadda Donald Trump ee Haweenkii uu ku tacadiyey sannadkii 2005-tii.
Ugu yaraan Tobaneeyo haween ayaa si cad ugu eedeeyey inuu Trump ku tacadiyey, inkastoo uu Trump beeniyey Eedeymahaasi.
©Radio Dalsan