Safaarada soomaliya, ee Magaalada Khartum ayaa wax kama jiraan ku tilmaamtay warbixin ay daabacen qaar kamid ah warbaahinta gudaha dalkaasi, kuwaas oo sheegay in Afar gabdhood oo u dhashay dalkaasi ay isticmaaleen Baasaboorka Soomaliya si ay uga amba baxaan dalkaasi uguna biiraan kooxda dowlada islaamiga isku magacawday ee Daacish.
Warsafaaxadeed uu ku saxiixan yahay safiirka soomaliya ee dalka Sudan Ambassador Mohammed Abdullah Agas, ayaa waxa lagu qeexay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in la isticmaalay Baasaboorka soomaaliya si loogu biiro kooxda  ISIS.
“ In dhalinyaro ay isticmaashay baasaboorka soomaaliya si ay ugu biiraan Daacish, waxaa todobaadkaan daabacay wargeyska Khartoum newspapers, waxaana uu sheegay in Afar gabdhood oo Sudaness ah oo labo isla dhalatay, in ay isticmaaleen kuwaasoo ku aadan dalka Iskutaga imaaraadka Carabka kadibna ay Turkiga uga sii ambabaxeen iyagoona sii galay dalalka Ciraaq iyo Suriya, kadibna ku biiray ISIS.
Waxbixinta wargeyska ayaa sidoo kale waxaa ku qorneed in afartaasi gabdhood ay raaceen diraaradaha Arabiya Airlines, waxaana ay ku baxeen qaab ardaynimo ah.
Wasiirka arimaha dibada dalka Sudan, ayaa waxa uu dhawaan uu sheegay in ay xaaga saarayaan dadka udhashay dalkaasi, ee usafra wadamada ay dagaalada ka jiraan sida Suriya, Ciraq, iyo kuwo kale.