Safiirka Dowladda Federalka Soomaaliya u jooga Dalka Qatar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano) ayaa kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliya oo Tababar u jooga dalkaas.
Safiirka oo uu la socday uqeybsanaa arrimaha Ciidanka ee Safaaradda General Maxbuub Xasan Cabaade ayaa kulan waxa ay la qaateen Saraakiil ka tirsan Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Tababar aqoon kororsi ah u joogay maalmihii la soo dhaafay Magaalada Dooxa ee Caasimadda Dalka Qatar.
Saraakiishaan oo soo dhameystay Tababarka aqoon kororsi ah ayaa lagu wadaa in ay dhawaan ku soo noqon doonna dalkooda ,iyagoo qeyb ka noqon doona ciidamada u taagan difaaca dalka.