Madaxweynaha dalka Ciraaq Dr. Barham Saalax ayaa qasriga Madaxtooyda ee Magaalada Baqdaad kaga gadoomay warqadahiisa aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Safaaradda dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona Magaalada Baqdaad Mudane Liibaan Sheekh Maxamuud (Maalinguur).
Ugu horeyn danjire Liibaan ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Ciraaq sida wanaagsan ee uu uqaabilay, waxuuna u gudibyay salaan iyo bogaadin uu kaga waday Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Danjiraha Soomaaliya Liibaan Sheekh Maxmuud ayaa dhankiisa cadeeyay sida dalkiisu u doonayo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Baqdaad si loo gaaro danaha guud iyo manfacadda gobolka, isagoo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay taageerada Ciraaq ee howlgalka Soomaaliya.
Dhanka kale Madaxweynaha Dalka ciraaq Barham Saalax ayaa Safiir Liibaan u rajeyay inuu ku guuleysto waajibaadkiisa diblomaasiyadeed ee Baqdaad, isagoo muujiyay in Dowladda ciraaq diyaar u tahay inay bixiso wax kasta oo taageero ah si loogu guuleysto iskaashiga labada dal ee walaalaha ah.