Madaxweynaha Dalka Austria Alexander van Der Bellen ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u magacaawday Austria ee Amb. Ebyan Maxamed Saalad.
Madaxweyne Alexander van Der Bellen ayaa danjiraha cusub ee dalka Soomaaliya u rajeeyay inay ku guulaysato gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed iyo ay ka shaqeeyso xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ay wadaagaan labada dal.
Sidoo kale Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona Dalka Austria Amb. Ebyan Maxamed Saalad ayaa Madaxweynaha dalkaas uga mahadceliyay sida wanaagsan ee uu u qaabiley.
Amb. Ebyan Maxamed Saalad oo laga dhigay Safiirka Soomaaliya ee Austria ayaa sidoo kale waxaa ay tahay Danjiraha Soomaaliya ee Switzerland iyo xarunta labaad ee Qaramada Midoobey ee Magaalada Geneva.