Safiirka Ururka Midowga Yurub u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martinez ayaa maanta gaaray magaalada Baraawe ee Caasimadda Koonfur Galbeed  Soomaaliya.
Garoonka diyaaradaha Baraawe ayaa Safiirka iyo wafdiga la socday waxaa kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibarhim Adan Ali (Najah) iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Koonfur Galbeed.
“Caasimada koonfurgalbeed Soomaaliya Baraaawe ayaan ku soo dhaweeyay Safiirka midowga yurub ee Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo†ayuu yiri Guddoomiye Najah.
Midowga Yurub ayaa gacan weyn ka geystay dhismaha garoonka diyaaradaha Baraawe oo ay shalay si wadajir ah xariga uga jareen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.